Taariikhda 19.3.2020

Macluumaadka Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Isdhexgalka ee Hessen oo ku saabsan Coronavirus

Waxyaabahaan soo socda waxaan idin ku siineynaa xoogaa Macluumaad ah iyo sidoo kale tixraacyo, meelaha aad ka heli karto macluumaad dheeri ah oo hadda socda.

Dhamaadkii Sanadka 2019 kii wuxuu Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) sheegay, in Magaalada Wuhan (Shiinaha) ku bateen cudurro sanbabada ah oo aan la garanayn sababaha keenay. Dhowr maalmood ka dib, Fayraska cusub ayaa loo aqoonsaday inuu yahay sababta.  Cudurka uu sababay Fayraska (COVID-19) oo hadda ku faafay Adduunka oo dhan.

Waa sidee Xaaladdu hadda?

Machadka Robert-Koch-Institut (RKI) wuxuu si joogta ah u qiimeeyaa micnaha uu caafimaadka

Dadka u leeyahay Fayraska cusub wadanka Jarmalka. Qiimeynta halista ah ee hadda jirta wuxuu RKI ku soo daabacay meeshaan

https://www.rki.de/DE/Content/InfAZ/N/Neuartiges_Coronavirus/Risikobewertung.html;jsessionid= 9766CE9E961256ECB36D5D17A325E8F4.internet062.

Dawladda Hessen waxay Hessen u go’aamisay:

  • Si loo yareeyo faafinta Fayraska Corona-Virus iyo si aysan khatar u gelin Dadku, ayaa waxaa lagama maarmaan ah, in la yareeyo xiriirada shakhsiyeed ee Dadweynaha – iyo kuwa gaarka ah -intii suurtagal ah.
  • Laga bilaabo Arbacada, 18. Maarso dhamaan waxaa la xirayaa Xarumaha, kuwaas oo aan daruuri u ahayn nolosha. Way furnaanayaan Dukaannada cuntada – iyo Dukaannada cabitaanka,

Farmasiiyada, Subarmaarkityada, Xarumaha shidaalka, Dukaannada qalabka dhismaha iyo Dukaannada daawooyinka. Makhaayadaha waxaa la xirayaa Saacadda 18:00, Goobaha isboortiga guud iyo kuwa gaarka ah, Maktabadaha, Madxafyada, Xarumaha waxbarashada ee Dadka waaweyn. Liiska oo dhammaystiran waxaad ka helaysaa  www.hessen.de/presse.

-Laga bilaabo Isniinta, 16. Maarso ilaa Axadda, 19. Abriil waa la xirayaa Xanaanooyinka iyo Xarumaha Xanaano maalmeedka ee Hessen. Waxa ka reeban iyo Macluumaadka dheeriga ah waxaa laga heli karaa www.soziales.hessen.de

-Laga bilaabo Isniinta, 16. Maarso ilaa Axadda 19. Abriil waa la xirayaa Iskuullada Hessen. Waxa ka reeban iyo Macluumaadka dheeriga ah waxaa laga heli karaa www.soziales.hessen.de

Xageen ka heli karaa Macluumaad guud oo dheeri ah, oo ku saabsan Coronavirus ee Hessen?

Macluumaadka hadda ah waxaa laga heli karaa bogga Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Isdhexgalka ee Hessen: www.hessenlink.de/2019ncov.

Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Isdhexgalka ee Hessen waxay sidoo kale u diyaarisay khad Macluumaad bilaash ah lagu helayo oo loogu talagalay Muwaadiinta Hessen.

Lambarka taleefanku waa: 0800 555 4 666 waxaana la soo wici karaa laga bilaabo Saacadda 8 ilaa 20. Su’aalaha waxaa lagu soo diri karaa E-Mail ahaan buergertelefon@stk.hessen.de

Wixii su’aalo ah waxay Muwaadiintu sidoo kale kala xiriiri karaan, waaxda caafimaadka ee qaabilsan. Faahfaahinta xiriirka waxaad ka helysaa halkaan: https://tools.rki.de/PLZTool/.  

 Hessisches Ministerium  für Soziales und Integration

Qiimeynta qaar kamid ah meelaha khatarta ah

Machadka RKI waxay qeexayaan, ayaga oo tixraacaya astaamaha (oo ka mid yihiin inta jeer ee cudurka, xawaaraha tirada kiisaska) Goobaha khatarta ah ee lagu tuhmayo sii wadida gudbinta Qofba Qofka kale u gudbinayo. Xaaladda hadda jirta waxaad ka heli kartaa halkaan:

https://www.rki.de/DE/Content/InfAZ/N/Neuartiges_Coronavirus/Risikogebiete.html Maxaad sameynaysaa markaad ka soo laabato tusaale ahaan Fasaxa?

Haddii aad ka soo laabatid safar Goobaha lagu qeexay inay khatarta yihiin ama Wadan kamid ah Goobaha khatarta ah, fadlan fiiro gaar ah u yeelo astaamaha suurta galka ah 14ka maalmood ee soo socda. Waxaana lagu talinayaa karantiil 14-maalmood oo guriga ah.

Maxaan sameyn karaa si aan u ilaaliyo caafimaadkayga?

Tallaabooyinka ka hortagga ah – xataa hargabka – waa in Muwaadiinta lagu booriyo, inay u hogaansamaan xeerarkaan nadaafadda ee soo socda:

  • si joogta ah oo fiican in gacmaha loo dhaqo (sidoo kale Carruurta iyo Dhalinyarada)
  • qufaca iyo hindhisada kaliya xaashida sanka ama kilkisha (sidoo kale Carruurta iyo Dhalinyarada)
  • hal-mar in la isticmaalo xaashida sanka halkaas mar kadibna in lagu tuuro qashin qubka
  • inaan gacanta la isku salaamin, hab la isa siin / dhabanada la sika dhunkan
  • gacmaha ha ku taaban sanka, afka iyo indhaha (khaasatan kadib markaad taabatay qabsashada Basaska ama aad isticmaashay gacanta albaabada, kuwaas oo Dad badani taabteen, laakiin sidoo kale guriga)
  • Smartphone, Taleefanka gacanta, Tablet iwm. Si joogto ah loo nadiifiyo/ jeermis dilaha
  • had iyo jeer isticmaal koobabkaaga iyo maacuuntaada  si joogto ah oga fogow Dadka badan.

Sideen ula tacaalaa astaamaha?

Haddii Muwaadiniintu dareemaan astaamo sida qufac, qandho, ama neefta oo ku adkaata waa inay:

  • wacaan 116 -117 (Lambarka taleefanka ee adeegga gurmadka degdegga ah)
  • inaad khadka taleefanka kala soo xiriirto waaxda caafimaadka ee degaanka
  • inaad khadka taleefanka kala xiriirto Dhakhtarkaaga guriga

Kuwaasu waxay markaas Qofka weydiinaya u kala caddaynayaan, haddii ay u badan tahay inuu hayo fayraska cusub ee Coronavirus, hadduu jiro shaki macquul ah in la bilaabayo baaritaano kale iyo daaweyn.

Macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luqado kale waxaad ka helaysaa halkaan https://www.bundesgesundheitsministerium.de/coronavirus.html

Hadda waxaa jira Macluumaad badan oo khaldan oo lagu baahinayo warbaahinta Bulshada.

Fadlan u isticmaal Macluumaadkaaga ilaha kor lagu soo xusay.

Hinterlassen Sie eine Antwort